نتائج البحث: 6236
|
ترتيب الآية | رقم السورة | رقم الآية | الاية |
204 | 2 | 197 | الحج أشهر معلومات فمن فرض فيهن الحج فلا رفث ولا فسوق ولا جدال في الحج وما تفعلوا من خير يعلمه الله وتزودوا فإن خير الزاد التقوى واتقون يا أولي الألباب |
| | | Xajka waa Bilo la yaqaan, ee ruuxii gudagala bilahaas Xajka, isutagid, fisqu iyo muran ma jiro Xajka dhexdiisa, waxaad fashaan oo khayr ah wuu ogaan Eebe, ee sahay qaara, sahay tan u khayrbadanna waa dhawrsashada, ee iga dhawrsada kuwa caqliga lahow. |
|
205 | 2 | 198 | ليس عليكم جناح أن تبتغوا فضلا من ربكم فإذا أفضتم من عرفات فاذكروا الله عند المشعر الحرام واذكروه كما هداكم وإن كنتم من قبله لمن الضالين |
| | | korkiina wax dhib ah ma aha haddaad dalabtaan fadliga Eebihiin (ganacsi) ee markaad ka soo gadoontaan Carrafo ku xusa Eebe mashearulxaraam agtiisa, una xusa siduu iddin hanuuniyey, waxaadna ahaydeen xaqa hortiis kuwa dhunsan. |
|
206 | 2 | 199 | ثم أفيضوا من حيث أفاض الناس واستغفروا الله إن الله غفور رحيم |
| | | markaas ka gadooma meesha Dadka ka gaddoomi dambidhaafna waydiista Eebe, ilaahay waa dambi dhaafe naxariistee. |
|
207 | 2 | 200 | فإذا قضيتم مناسككم فاذكروا الله كذكركم آباءكم أو أشد ذكرا فمن الناس من يقول ربنا آتنا في الدنيا وما له في الآخرة من خلاق |
| | | markaad gudataa camalkiina xusa Eebe saad u xustaan Aabayowgiin ama si ka daran u xusa, Dadka waxaa ka mid ah kuwo dhihi Eebow na sii adduunka wanaag, aan kuna lahayn Aakhiro qayb. |
|
208 | 2 | 201 | ومنهم من يقول ربنا آتنا في الدنيا حسنة وفي الآخرة حسنة وقنا عذاب النار |
| | | waxaana ka mid ah Daka kuwo dhihi Eebow na sii adduunka wanaag, aakhirana nasii wanaag, nagana dheeree Cadaabka Naarta. |
|
209 | 2 | 202 | أولئك لهم نصيب مما كسبوا والله سريع الحساب |
| | | kuwaasi waxay mudan qayb waxay kasbadeen, Eebana waa degtaa xisaabtiisu. |
|
210 | 2 | 203 | واذكروا الله في أيام معدودات فمن تعجل في يومين فلا إثم عليه ومن تأخر فلا إثم عليه لمن اتقى واتقوا الله واعلموا أنكم إليه تحشرون |
| | | xusa Eebe maalmo la yaqaano «Iidda carafo dabadeed», ciddiise dag dagta laba maalmood dhexdood ma saarra dambi korkiisa ciddii dhawrsata, ka dhawrsada Eebe, ogaadana in xagiisa laydiin soo kulmin. |
|
211 | 2 | 204 | ومن الناس من يعجبك قوله في الحياة الدنيا ويشهد الله على ما في قلبه وهو ألد الخصام |
| | | Dadka waxaa ka mid ah mid ku yaab galin hadalkiisu noloshan adduun, maragna gashay Eebe waxa qalbigiisa ku sugan, isagoo dood badan. |
|
212 | 2 | 205 | وإذا تولى سعى في الأرض ليفسد فيها ويهلك الحرث والنسل والله لا يحب الفساد |
| | | markuu jeedsadana, soeda dhulka fasaad darteed iyo inuu halligo beeraha iyo faracaba, Eebana ma jeela fasaadka. |
|
213 | 2 | 206 | وإذا قيل له اتق الله أخذته العزة بالإثم فحسبه جهنم ولبئس المهاد |
| | | marka loo dhoho ka dhawrso Eebana waxa qabata isla weyni dambi dartiis, waxaa ku filan jahannamo iyadaana u xun gogol. |
|