نتائج البحث: 6236
|
ترتيب الآية | رقم السورة | رقم الآية | الاية |
1990 | 16 | 89 | ويوم نبعث في كل أمة شهيدا عليهم من أنفسهم وجئنا بك شهيدا على هؤلاء ونزلنا عليك الكتاب تبيانا لكل شيء وهدى ورحمة وبشرى للمسلمين |
| | | (Xusuusi) Maalintaan ka soo bixinayno Umad kasta marag Naftooda ah oon ku Keenayno (Nabiyow) Adoo marag ku ah kuwan (Umadaada) Waxaana kugu dajinnay Kitaab oo ah Caddaynta wax kasta iyo hanuun iyo Naxariis iyo bishaarada dadka muslimiinta ah. |
|
1991 | 16 | 90 | إن الله يأمر بالعدل والإحسان وإيتاء ذي القربى وينهى عن الفحشاء والمنكر والبغي يعظكم لعلكم تذكرون |
| | | Eebe wuxuu Fari Caddaalad iyo Samafal iyo Wax siinta qaraabada Wuxuuna reebi Xumaan iyo Munkar iyo Gardarro, Wuuna idin Waanin inaad wax Xasuusataan. |
|
1992 | 16 | 91 | وأوفوا بعهد الله إذا عاهدتم ولا تنقضوا الأيمان بعد توكيدها وقد جعلتم الله عليكم كفيلا إن الله يعلم ما تفعلون |
| | | Oofiya Ballanka Eebe markaad Ballantantaan hana burinina Dhaarta ka dib intaad adkayseen ood uga yeesheen Eebe korkiina Kafiil (ilaaliye), Eebana waa ogyahay Waxaad falaysaan. |
|
1993 | 16 | 92 | ولا تكونوا كالتي نقضت غزلها من بعد قوة أنكاثا تتخذون أيمانكم دخلا بينكم أن تكون أمة هي أربى من أمة إنما يبلوكم الله به وليبينن لكم يوم القيامة ما كنتم فيه تختلفون |
| | | Hana Noqonina Sidii tii Burisay (furfurtay) Soohiddii Xoog ka dib furfurid idinkoo ka yeelan dhaartiina Dhagar dhexdiina ah, inay ahaatay ummad mid ka badan Ummad kale, Eebe wuu idinku imtixaami (Armakaas) iyo inuu idiin Cadeeyo maalinta Qiyaame waxaad isku diidanaydeen. |
|
1994 | 16 | 93 | ولو شاء الله لجعلكم أمة واحدة ولكن يضل من يشاء ويهدي من يشاء ولتسألن عما كنتم تعملون |
| | | hadduu doono Eebe wuxuu idinka yeeli lahaa umad kaliya wuxuuse dhumiyaa cidduu doono, wuuna hanuuniyaa cidduu doono, waana laydin warsan waxaad camal falayseen. |
|
1995 | 16 | 94 | ولا تتخذوا أيمانكم دخلا بينكم فتزل قدم بعد ثبوتها وتذوقوا السوء بما صددتم عن سبيل الله ولكم عذاب عظيم |
| | | haka yeelanina dhaartiinna dhagar dhexdiinna ah ood markaas simbiriirxataa gomadi intay sugnayd ka dib ood dhadhamisaan xumaan (Cadaab) ka jeedintiinna dadka jidka Eebe darteed, waxaana idiin sugnaaday Cadaab wayn. |
|
1996 | 16 | 95 | ولا تشتروا بعهد الله ثمنا قليلا إنما عند الله هو خير لكم إن كنتم تعلمون |
| | | hana ku gadanina ballanka Eebe qiimo yar (waxba) waxa Eebe agtiisa ah yaa idiin khayrroone haddaad wax ogtihiin, |
|
1997 | 16 | 96 | ما عندكم ينفد وما عند الله باق ولنجزين الذين صبروا أجرهم بأحسن ما كانوا يعملون |
| | | waxa agtiinna ah wuu dhamaan waxa Eebe agtiisa ahna wuu hadhi waxaana ku abaal marinaynaa kuwa samra (adkaysta) Ajirkooda midka ugu fiican ee ay falsayeen. |
|
1998 | 16 | 97 | من عمل صالحا من ذكر أو أنثى وهو مؤمن فلنحيينه حياة طيبة ولنجزينهم أجرهم بأحسن ما كانوا يعملون |
| | | Ciddii camal fasha wanaag oo Raga ama haweena isagoo mu'mina waxaan noolaynaynaa Nolol wanaagsan, waxaana ku abaal marinaynaa Ajirkooda waxa ugu Wanaagsan ee ay falayeen. |
|
1999 | 16 | 98 | فإذا قرأت القرآن فاستعذ بالله من الشيطان الرجيم |
| | | markaad akhiriyi Quraanka ka magan gal Eebe shaydaan la dheereeyey. |
|