نتائج البحث: 6236
|
ترتيب الآية | رقم السورة | رقم الآية | الاية |
1942 | 16 | 41 | والذين هاجروا في الله من بعد ما ظلموا لنبوئنهم في الدنيا حسنة ولأجر الآخرة أكبر لو كانوا يعلمون |
| | | kuwii u haajiray dar Eebe intii la dulmiyey ka dib waxaan dejinaynaa adduunka wanaag, ajirka aakhiraana ka wayn hadday wax ogyihiin. |
|
1943 | 16 | 42 | الذين صبروا وعلى ربهم يتوكلون |
| | | waana kuwa samray «adkaystay» Eebahoodna uun tala saarta. |
|
1944 | 16 | 43 | وما أرسلنا من قبلك إلا رجالا نوحي إليهم فاسألوا أهل الذكر إن كنتم لا تعلمون |
| | | waxaan dirray hortaa Rag aan u waxyoonay, ee warsada kuwa cilmiga leh haddaydaan wax ogayn. |
|
1945 | 16 | 44 | بالبينات والزبر وأنزلنا إليك الذكر لتبين للناس ما نزل إليهم ولعلهم يتفكرون |
| | | (waxaana la dirray) xujooyin iyo Kutub waxaana kugu soo dejinay Quraanka inaad u caddayso Dadka waxa loo soo dejiyey, inay fikiraan. |
|
1946 | 16 | 45 | أفأمن الذين مكروا السيئات أن يخسف الله بهم الأرض أو يأتيهم العذاب من حيث لا يشعرون |
| | | ma aamin bay ka noqdeen kuwii dhagarta falay in Eebe la gooyo Dhulka, ama uga yimaaddo cadaab meelayna filayn. |
|
1947 | 16 | 46 | أو يأخذهم في تقلبهم فما هم بمعجزين |
| | | ama ku qabto Eebe gadgadoonkooda mana aha kuwa Eebe daaliya. |
|
1948 | 16 | 47 | أو يأخذهم على تخوف فإن ربكم لرءوف رحيم |
| | | ama ku qabto Nusqaamin (iyo cabsi) iyagoo ku sugan, Eebihiinna waa u Ture Naxariista. |
|
1949 | 16 | 48 | أولم يروا إلى ما خلق الله من شيء يتفيأ ظلاله عن اليمين والشمائل سجدا لله وهم داخرون |
| | | Miyeyna Arkayn wuxuu Eebe Abuuray oo u iilan Hooskiisu Midig iyo Bidix Sujuud Eebe dartiis iyagoo u Khushuucsan. |
|
1950 | 16 | 49 | ولله يسجد ما في السماوات وما في الأرض من دابة والملائكة وهم لا يستكبرون |
| | | Eebe waxaa u Sujuuda waxa Samooyinka iyo Dhulka ku sugan oo dhul socoda iyo Malaa'ig iskamana wayneeyaan (Sujuuddiisa). |
|
1951 | 16 | 50 | يخافون ربهم من فوقهم ويفعلون ما يؤمرون |
| | | Waxayna ka Cabsan Eebahooda Sarreeya waxayna falaan wax la faro. |
|