نتائج البحث: 6236
|
ترتيب الآية | رقم السورة | رقم الآية | الاية |
1505 | 11 | 32 | قالوا يا نوح قد جادلتنا فأكثرت جدالنا فأتنا بما تعدنا إن كنت من الصادقين |
| | | waxay dheheen Nuuxow waad nala dooday ood badisay la doodkannaga, ee noo keen waxaad noo yaboohayso haddaad run sheegi. |
|
1506 | 11 | 33 | قال إنما يأتيكم به الله إن شاء وما أنتم بمعجزين |
| | | wuxuuna yidhi waxaa uun idiin keeni (kara) Eebe hadduu doono, mana tihiin kuwo daalin Eebe. |
|
1507 | 11 | 34 | ولا ينفعكم نصحي إن أردت أن أنصح لكم إن كان الله يريد أن يغويكم هو ربكم وإليه ترجعون |
| | | waxna idiinma tarto Naseexadaydu haddaan doono inaan idiin naseexeeeyo hadduu Eebe doono inuu iddin baadiyeeyo illeen waa Eebihiine. xagiisaana laydiin celin. |
|
1508 | 11 | 35 | أم يقولون افتراه قل إن افتريته فعلي إجرامي وأنا بريء مما تجرمون |
| | | mise waxay dhihi isagaa been ahuurtay, waxaad dhahdaa haddaan been abuurto dambigaygu anuu isaaranyahay, anuguna bari baan ka ahay waxaad dambaabtaan. |
|
1509 | 11 | 36 | وأوحي إلى نوح أنه لن يؤمن من قومك إلا من قد آمن فلا تبتئس بما كانوا يفعلون |
| | | waxaa loo waxyooday Nabi Nuux inuusan ku rumeynayn Qoomkaaga inta ku rumaysay waxaan ahayn ee ha u murugoon waxay fali. |
|
1510 | 11 | 37 | واصنع الفلك بأعيننا ووحينا ولا تخاطبني في الذين ظلموا إنهم مغرقون |
| | | samaysana doon annagoo ku dhawri kuuna waxyoon hana igula hadlin (xaalka) kuwii dulmi falay waa Ia maansheyne. |
|
1511 | 11 | 38 | ويصنع الفلك وكلما مر عليه ملأ من قومه سخروا منه قال إن تسخروا منا فإنا نسخر منكم كما تسخرون |
| | | wuxuu samaynayye Doon mar kasta oo Qoomkiisa koox ka mida martana way ku jees jeesayeen wuxuuna ku dhahayey haddaad nagu jees jeestaan anaguna waan idinku jees jeesi saad u jees jeesaysaan. |
|
1512 | 11 | 39 | فسوف تعلمون من يأتيه عذاب يخزيه ويحل عليه عذاب مقيم |
| | | waadna ogaan doontaan cidduu u yimaaddo cadaab dulleeya kuna dago cadaab joogta ah. |
|
1513 | 11 | 40 | حتى إذا جاء أمرنا وفار التنور قلنا احمل فيها من كل زوجين اثنين وأهلك إلا من سبق عليه القول ومن آمن وما آمن معه إلا قليل |
| | | markuu yimid amarkannagii oo Tanuurkii burqaday waxaan ku nidhi ku xambaar Doonida nooc kasta Labo iyo Xaaskaaga ciddii dhumid loo xukumay mooyee, iyo cidii rumaysa xaqa (iyana ku xambaar) mana rumeynin wax yar mooyee. |
|
1514 | 11 | 41 | وقال اركبوا فيها بسم الله مجراها ومرساها إن ربي لغفور رحيم |
| | | wuxuuna yidhi ku kora Magaca Eebe oy kuna socon kuna joogsan Eebahayna waa dambi dhaafe naxariista. |
|