بسم الله الرحمن الرحيم

نتائج البحث: 6236
ترتيب الآيةرقم السورةرقم الآيةالاية
14951122لا جرم أنهم في الآخرة هم الأخسرون
waxaana sugan inay kuwaasu Aakharo iyaga uun khasaaro badnaadeen.
14961123إن الذين آمنوا وعملوا الصالحات وأخبتوا إلى ربهم أولئك أصحاب الجنة هم فيها خالدون
kuwa rumeeyey Xaqa oo camal fiican falay oo u noqday Eebahood kuwaasu waa Jannada Ehelkeeda wayn, ku dhex waari.
14971124مثل الفريقين كالأعمى والأصم والبصير والسميع هل يستويان مثلا أفلا تذكرون
waxay La midyihiin Labada kooxood mid indhala' iyo mid dhaaa la' mid wax arka iyo mid wax maqli ma simanyihiin tusaale ahaan miyeydaan wax xusuusaneyn.
14981125ولقد أرسلنا نوحا إلى قومه إني لكم نذير مبين
waxaan u diray (Nabi) Nuux qoomkiisii (Isagoo leh) waxaan idiin ahay dige Cad.
14991126أن لا تعبدوا إلا الله إني أخاف عليكم عذاب يوم أليم
inaydaan Caabudin wax Eebe ka soo hadhay, waxaan idiinka cabsan korkiinna cadaab Maalin daran.
15001127فقال الملأ الذين كفروا من قومه ما نراك إلا بشرا مثلنا وما نراك اتبعك إلا الذين هم أراذلنا بادي الرأي وما نرى لكم علينا من فضل بل نظنكم كاذبين
waxayna dheheen madaxdii Gaalowday oo qoomkiisa ka mida waxaan bashar nala mida ahayn kuguma aragno, kugumana aragno inuu ku raacay waxaan ahayn kuwannaga xun xun ee ku deg dega ra'yiga, Kuugumana ara- gno korkannaga wax dheeraada waxaanse idiin malaynaynaa Beenaalayaal.
15011128قال يا قوم أرأيتم إن كنت على بينة من ربي وآتاني رحمة من عنده فعميت عليكم أنلزمكموها وأنتم لها كارهون
wuxuuna yidhi Qoomkayow ka warrama haddaan Xujo (cad) oo Eebahay ku sugnahay uu ina siiyey naxariis Xaggiisa oo Laydinka indho tiray miyaao idinkii laasimin karraa idinkoo nici.
15021129ويا قوم لا أسألكم عليه مالا إن أجري إلا على الله وما أنا بطارد الذين آمنوا إنهم ملاقو ربهم ولكني أراكم قوما تجهلون
Qoomkayow idin warsan maayo Xoolo, Ajirkayga Eebaa haya, mana eryayo kuwa xaqa rumeeyey illeen iyagu waxayla kulmi Eebahoode, waxaanse idinku arkaa Qoom Jaahiliina.
15031130ويا قوم من ينصرني من الله إن طردتهم أفلا تذكرون
Qoomkayow yaa iiga gargaari Eebe haddaan eryo kuwaas (Xaqa rumeeyey) miyeydaao wax Xusuusanayn.
15041131ولا أقول لكم عندي خزائن الله ولا أعلم الغيب ولا أقول إني ملك ولا أقول للذين تزدري أعينكم لن يؤتيهم الله خيرا الله أعلم بما في أنفسهم إني إذا لمن الظالمين
idima dhahayo waxaa agtayda ah Khasaa'intii Eebe mana ogi waxa maqan, idinmana odhanaayo waxaan ahay Malaa'ig, idinmana odhanaayo kuway yasayso indhihiinnu ma siinayo Eebc khayr, Eebaa og waxa Naftooda ku sugan, markaas waxaan ka mid noqon Daalimiinta.


0 ... 139.4 140.4 141.4 142.4 143.4 144.4 145.4 146.4 147.4 148.4 150.4 151.4 152.4 153.4 154.4 155.4 156.4 157.4 158.4 ... 623

إنتاج هذه المادة أخد: 0.02 ثانية


المغرب.كووم © ٢٠٠٩ - ١٤٣٠ © الحـمـد لله الـذي سـخـر لـنا هـذا :: وقف لله تعالى وصدقة جارية

146051504937152617261772636134735904893