نتائج البحث: 6236
|
ترتيب الآية | رقم السورة | رقم الآية | الاية |
1468 | 10 | 104 | قل يا أيها الناس إن كنتم في شك من ديني فلا أعبد الذين تعبدون من دون الله ولكن أعبد الله الذي يتوفاكم وأمرت أن أكون من المؤمنين |
| | | waxaad dhahdaa Dadow hadaad tihiin kuwo shakisan diintayda Caabudi maayo waxaad caabudaysaan oo Eebe ka soo hadhay waxaanse Caabudi Eebaha idin Dili, waxaana lay faray inaan ka mid noqdo Mu'iniinta. |
|
1469 | 10 | 105 | وأن أقم وجهك للدين حنيفا ولا تكونن من المشركين |
| | | iyo inaan u jeediyo wajiga Diinta anoo Toosan hana ka mid noqonin Mushrikiinta. |
|
1470 | 10 | 106 | ولا تدع من دون الله ما لا ينفعك ولا يضرك فإن فعلت فإنك إذا من الظالمين |
| | | Hana caabudin Eebe ka Sokow waxaan wax ku Tarayn kuna dhibayn, Haddaad fasho waxaad ka mid Noqon Daalimiinta. |
|
1471 | 10 | 107 | وإن يمسسك الله بضر فلا كاشف له إلا هو وإن يردك بخير فلا راد لفضله يصيب به من يشاء من عباده وهو الغفور الرحيم |
| | | Hadduu ku taabsiiyo Eebe dhib wax faydi oon isaga Ahayn ma jiro, Hadduu kula doono Khayra wax celin kara fadligiisa ma jiro, Wuxuuna gaadhsiiyaa cidduu doono oo Addoomadiisa ka mida, waana Dambi dhaafe Naxariista. |
|
1472 | 10 | 108 | قل يا أيها الناس قد جاءكم الحق من ربكم فمن اهتدى فإنما يهتدي لنفسه ومن ضل فإنما يضل عليها وما أنا عليكم بوكيل |
| | | Waxaad dhahdaa Dadow waxaa idiinka yimid xagga Eebe Xaqii, ciddii Hanuuntana wuxuu uun u Hanuunay Naftiisa, cidii dhuntana wuxuu uun u Dhumay Naftiisa (Dhibkeeda) Anna korkiinna Wakiil uma ihi. |
|
1473 | 10 | 109 | واتبع ما يوحى إليك واصبر حتى يحكم الله وهو خير الحاكمين |
| | | Ee raac waxa laguu waxyooday Samirna inta Eebe ka kala Xukmin (Dadka) isagaa u Wanaagson Xaakime. |
|
1474 | 11 | 1 | بسم الله الرحمن الرحيم الر كتاب أحكمت آياته ثم فصلت من لدن حكيم خبير |
| | | Erayga hore wuxuu ku Tusin Mujisada Quraanka, Kitaabka Quraanka alma waa mid la sugay Aayadihiisa, markaas lagana Caddeeyey Eebaha Falka san ee wax walba og Xaggiisa. |
|
1475 | 11 | 2 | ألا تعبدوا إلا الله إنني لكم منه نذير وبشير |
| | | inaydaan Caabudin Eebe mooyee wax kale, anugu waxaan idiinka ahay xagga Eebe Dige Bishaareeya. |
|
1476 | 11 | 3 | وأن استغفروا ربكم ثم توبوا إليه يمتعكم متاعا حسنا إلى أجل مسمى ويؤت كل ذي فضل فضله وإن تولوا فإني أخاف عليكم عذاب يوم كبير |
| | | dambi dhaafna warsada Eebe una toobad keena wuxuu idiinku raaxayn nolol wanaagsan tan iyo muddo, wuxuuna siin cid kasta dheeraad leh (Fadli) dheeraadkiisa (Fadligiisa) haddaad jeedsataanna anugu waxaan idiinka cabsan Cadaab Maalin wayn. |
|
1477 | 11 | 4 | إلى الله مرجعكم وهو على كل شيء قدير |
| | | xagga Eebaa noqoshadiinnu tahay wax kastana wuu karaa. |
|