نتائج البحث: 6236
|
ترتيب الآية | رقم السورة | رقم الآية | الاية |
1424 | 10 | 60 | وما ظن الذين يفترون على الله الكذب يوم القيامة إن الله لذو فضل على الناس ولكن أكثرهم لا يشكرون |
| | | Maxay u malayn kuwa ku been abuuran Eebe (inuu ku fali) Maalinta Qiyaame, Eebe waa kan Fadliga ku leh Dadka badankooduse kuma mahadiyaan. |
|
1425 | 10 | 61 | وما تكون في شأن وما تتلو منه من قرآن ولا تعملون من عمل إلا كنا عليكم شهودا إذ تفيضون فيه وما يعزب عن ربك من مثقال ذرة في الأرض ولا في السماء ولا أصغر من ذلك ولا أكبر إلا في كتاب مبين |
| | | Wixii Xaala ood ku Sugan tahay wixii quraana ood Akhrin, wixii camala ood falaysaan waan idin la joognaana (ognahay) narkaad dhex galaysaan, kagama Qarsoona Eebahaa waxa u yar Dhulka dhexdiisa iyo Samada, wixii ka yar iyo wixii ka wanyna Kitaab cad bay ku sugnayihiin. |
|
1426 | 10 | 62 | ألا إن أولياء الله لا خوف عليهم ولا هم يحزنون |
| | | Awliyada Eebana cabsi masaarra mana murugoodaan. |
|
1427 | 10 | 63 | الذين آمنوا وكانوا يتقون |
| | | waana kuwa rumeeyay (xaqa) dhawrsadana. |
|
1428 | 10 | 64 | لهم البشرى في الحياة الدنيا وفي الآخرة لا تبديل لكلمات الله ذلك هو الفوز العظيم |
| | | Waxaana u sugnaaday Bishaaro nolosha adduunyo iyo Aakhiraba, wax badali Kalimada Eebana ma jiro, taasina waa uuu Liibaanta wayn. |
|
1429 | 10 | 65 | ولا يحزنك قولهم إن العزة لله جميعا هو السميع العليم |
| | | yuuna ku walbahaarin hadalkoodu cisi dhamaantiis Eebaa iska leh, waana Maqle oge. |
|
1430 | 10 | 66 | ألا إن لله من في السماوات ومن في الأرض وما يتبع الذين يدعون من دون الله شركاء إن يتبعون إلا الظن وإن هم إلا يخرصون |
| | | Eebaa iska leh waxa samooyinka iyo Dhulka ku sugan, waxay raacayaan oy Caabudi Eebe ka sokow wa Shurako (Sanamyo) waxaan mala ahayna ma raacayaan, waxaan heenaalayaal ahaynna ma aha. |
|
1431 | 10 | 67 | هو الذي جعل لكم الليل لتسكنوا فيه والنهار مبصرا إن في ذلك لآيات لقوم يسمعون |
| | | Eebe waa kan idiin yeelay Habeenka inaad xasishaan, Maalintana Arag (Ka yeelay) arrintaasna waxaa ugu sugan calaamooyin qoomkii wax maqli. |
|
1432 | 10 | 68 | قالوا اتخذ الله ولدا سبحانه هو الغني له ما في السماوات وما في الأرض إن عندكم من سلطان بهذا أتقولون على الله ما لا تعلمون |
| | | waxay dheheen wuxuu yeeshay Eebe Ilmo, waa nasahanyahay, Eebana waa uun Hodan, wuxuuna leeyahay waxa samooyinka iyo dhulka ku sugan, agtiinna xujo uma taal waxaas (Beenta) mise Eebaad ku sheegaysaan waxaydaan ogayn. |
|
1433 | 10 | 69 | قل إن الذين يفترون على الله الكذب لا يفلحون |
| | | waxaad dhahdaa kuwa Eebe ku abuurta beenta ma libaanaan. |
|