بسم الله الرحمن الرحيم

نتائج البحث: 6236
ترتيب الآيةرقم السورةرقم الآيةالاية
1352128ربنا واجعلنا مسلمين لك ومن ذريتنا أمة مسلمة لك وأرنا مناسكنا وتب علينا إنك أنت التواب الرحيم
Eebow naga yeel kuwa kuu hogaansama, Faraeanagana ka yeel Umad kuu hogaansama nana tusi eamalkannaga (Xajka) nagana toobad aqbal adaa toobad aqbalbadane. Wanaaghabadane ahe.
1362129ربنا وابعث فيهم رسولا منهم يتلو عليهم آياتك ويعلمهم الكتاب والحكمة ويزكيهم إنك أنت العزيز الحكيم
Eebow u soo bixi Rasuul ka mid ah oo u akhriya aayaadkaaga barana Kitaabka (Quraanka) iyo xigmada (sunada Nabiga) oo nadiifiya adigaa adkaade, Falsame ahe.
1372130ومن يرغب عن ملة إبراهيم إلا من سفه نفسه ولقد اصطفيناه في الدنيا وإنه في الآخرة لمن الصالحين
Yaa naea diinta Nabi Ibraahim ruux xumeeyey naftiisa mooyee, waana doorannay Nabi Ibraahim, adduunyada, aakhirana wuxuu ka midnoqon kuwa suusuuban.
1382131إذ قال له ربه أسلم قال أسلمت لرب العالمين
xusuuso markuu Eebe ka yidhi hogaansan oo uu yidhi waan u hogaansamay Eebaha Caalamka,
1392132ووصى بها إبراهيم بنيه ويعقوب يا بني إن الله اصطفى لكم الدين فلا تموتن إلا وأنتم مسلمون
wuxuu u dardaarmay arintaas (Nabi) Ibraahim Caruurtiisa, Nabi Yacquubna wuu u dardaarmay, wuxuuna yidhi Carrurtaydiiyey Eebe wuxuu idiindoortay Diinta ee ha dhimanina idinkoon Muslim ahayn.
1402133أم كنتم شهداء إذ حضر يعقوب الموت إذ قال لبنيه ما تعبدون من بعدي قالوا نعبد إلهك وإله آبائك إبراهيم وإسماعيل وإسحاق إلها واحدا ونحن له مسلمون
miyaad joogten (Yuhuuday) marka Geeridu u timid (Nabi) Yacquub markuu ku yidhi Caruurtiisa maxaad caabudaysaan Gadaashay, ayna dheheen waxaan caabudaynaa Eebahaaga iyo Eebaha Aabayowgaa Ibraahim, Ismaeiil iyo Isxaaq Eebe kaliya, isagaana u hogaansamaynaa.
1412134تلك أمة قد خلت لها ما كسبت ولكم ما كسبتم ولا تسألون عما كانوا يعملون
taasina waa ummad taktay, waxayna Mudatay waxay kasbatay, idinkuna waxaad mudanaysaan waxaad kasbateen, laydina warsan maayo waxay Camalfalayeen.
1422135وقالوا كونوا هودا أو نصارى تهتدوا قل بل ملة إبراهيم حنيفا وما كان من المشركين
waxay ku dhaheen Gaaladii Muslimiinta ama Yuhud noqda ama Nasaara aad hanuunteene, waxad dhahdaa mayee milladda (Diinta Nabi) Ibraahim yaan raacaynaa ee Xaqa u iishay, kamana mid ahayn Gaalda.
1432136قولوا آمنا بالله وما أنزل إلينا وما أنزل إلى إبراهيم وإسماعيل وإسحاق ويعقوب والأسباط وما أوتي موسى وعيسى وما أوتي النبيون من ربهم لا نفرق بين أحد منهم ونحن له مسلمون
waxaad dhahdaan waxaan rumaynay Eebe iyo waxa naloo soo dajiyey iyo waxa lagu soo dajiyay Ibraahim, Ismaeiil, Isxaaq, Yacquub. iyo Caruurtoodii iyo wixii la siiyay (Nabi) Muuse iyo (Nabi) Ciise iyo wixi laga siiyey Nabiyadii (Kale) xagga Eebohood kala gaynamayno dhexdooda, waxaan u hogaansamaynaa Eebe.
1442137فإن آمنوا بمثل ما آمنتم به فقد اهتدوا وإن تولوا فإنما هم في شقاق فسيكفيكهم الله وهو السميع العليم
hadday u rumeeyaan saad u rumayseen way hanuuneen, hadday jeedsadeenna waxay ku suganyihiin khilaaf, waxaana idinka kaafin Eebe isagaa wax maqla waxna oge.


0 ... 3.4 4.4 5.4 6.4 7.4 8.4 9.4 10.4 11.4 12.4 14.4 15.4 16.4 17.4 18.4 19.4 20.4 21.4 22.4 ... 623

إنتاج هذه المادة أخد: 0.02 ثانية


المغرب.كووم © ٢٠٠٩ - ١٤٣٠ © الحـمـد لله الـذي سـخـر لـنا هـذا :: وقف لله تعالى وصدقة جارية

58032869561557731811569159991336592592