نتائج البحث: 6236
|
ترتيب الآية | رقم السورة | رقم الآية | الاية |
1327 | 9 | 92 | ولا على الذين إذا ما أتوك لتحملهم قلت لا أجد ما أحملكم عليه تولوا وأعينهم تفيض من الدمع حزنا ألا يجدوا ما ينفقون |
| | | kuwiina dhib masaarra kuu yimid inaad xambaarto (Gaadiid siisid) markaas aad ku tidhi ma helayo waxaan idinku xambaaro, markaas jeedsaday iyagoo indhahoodu la daadan illin walbahaar inayna helin waxay bixiyaan. |
|
1328 | 9 | 93 | إنما السبيل على الذين يستأذنونك وهم أغنياء رضوا بأن يكونوا مع الخوالف وطبع الله على قلوبهم فهم لا يعلمون |
| | | waxaa uun jid laguleeyahay kuwa ku idan warsada iyagoo hodanna oo ka raati noqday inay ka midnoqdaan kuwa had hay (Xaaska) wuxuuna Eebe daabacay quluubtooda waxna ma oga. |
|
1329 | 9 | 94 | يعتذرون إليكم إذا رجعتم إليهم قل لا تعتذروا لن نؤمن لكم قد نبأنا الله من أخباركم وسيرى الله عملكم ورسوله ثم تردون إلى عالم الغيب والشهادة فينبئكم بما كنتم تعملون |
| | | way idiin cudurdaaran markaad u noqotaan xaggooda, waxaad dhahdaan ha cudurdaaranina idiin rumeynmenee, wuu nooga warrdmay Eebe xaalkiinne, Eebana wuu arkaa camalkinne iyo rasuulkiisu, markaasna waxaa laydiin Celin Eebaha og waxa maqan iyo waxaa muuqdaba oo idiinka warrami waxaa camal falayseen. |
|
1330 | 9 | 95 | سيحلفون بالله لكم إذا انقلبتم إليهم لتعرضوا عنهم فأعرضوا عنهم إنهم رجس ومأواهم جهنم جزاء بما كانوا يكسبون |
| | | way idiin dhaaran markaad u gadoontaan xaggooda inaad ka jeedsataan ee iskaga jeedsada iyagu waa wasakhe hoygooduna waa jahannamee waana ka abaal marin waxay kasbanayeen. |
|
1331 | 9 | 96 | يحلفون لكم لترضوا عنهم فإن ترضوا عنهم فإن الله لا يرضى عن القوم الفاسقين |
| | | way idiin dhaaran inaad ka raalli noqotaan, haddaad ka raalli noqotaan Eebe kama raalli noqdo qoomka faasiqiinta ah. |
|
1332 | 9 | 97 | الأعراب أشد كفرا ونفاقا وأجدر ألا يعلموا حدود ما أنزل الله على رسوله والله عليم حكيم |
| | | Reer baadiyahaa ugu daran Gaalnimada iyo Munaafaqnimada, mudanna inayna waxba ka ogayn xuduudda (Soohdimaha) waxa Eebe ku soo Dejiyey Rasuulkiisa, Eebena waa oge fal san. |
|
1333 | 9 | 98 | ومن الأعراب من يتخذ ما ينفق مغرما ويتربص بكم الدوائر عليهم دائرة السوء والله سميع عليم |
| | | Reer baadiyaha waxaa ka mida kuwo kayeelan waxay bixin dayn Bax oo kale, oo idin la sugi dhibaato korkooda ha ahaato wareegga xumaanta, Eebana waa maqle og. |
|
1334 | 9 | 99 | ومن الأعراب من يؤمن بالله واليوم الآخر ويتخذ ما ينفق قربات عند الله وصلوات الرسول ألا إنها قربة لهم سيدخلهم الله في رحمته إن الله غفور رحيم |
| | | Reer baadiyaha waxaa ka mida kuwa rumeyn Eebe iyo maalinta aakhiro kana yeelan wuxuu bixin dhawaansho Eebe agtiisa, iyo u ducaynta Rasuulka (Iyaga) taasi waa dhawaanshahooda wuxuuna galin Eebe naxariistiisa, illeen Eebe waa dambi dhaafe naxariista. |
|
1335 | 9 | 100 | والسابقون الأولون من المهاجرين والأنصار والذين اتبعوهم بإحسان رضي الله عنهم ورضوا عنه وأعد لهم جنات تجري تحتها الأنهار خالدين فيها أبدا ذلك الفوز العظيم |
| | | kuwii ku dheereeyey «khayrka» ee horreeyey oo ka mida Muhaajiriinta iyo Ansaar iyo kuwii ku raacay wanaagga Eebaa ka raalli noqday iyana way ka raalli noqdeen, wuxuuna u darbay Jannooyin ay socoto dhexdeeda Wabiyadii iyagoo ku waari waligood, taasina waa Liibaan wayn. |
|
1336 | 9 | 101 | وممن حولكم من الأعراب منافقون ومن أهل المدينة مردوا على النفاق لا تعلمهم نحن نعلمهم سنعذبهم مرتين ثم يردون إلى عذاب عظيم |
| | | gaararkiinna waxaa ka mida reebaadiye Munaafiqiina, Reer Madiinana (waa kamid) waxay ku madax taageen munaafaqnimo, ma ogidin annagaase og, waxaannu cadaabi Labo jeer, markaasaa loo celin cadaab wayn. |
|